|

Magacyada Saddex Qof Oo Maanta Maxkamadda Maamulka Puntand Dil Ku Fulisay

Bosasso:Mar,16,2015(SDN/QJ)-Magaalada Bossaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxa maanta lagu toogtay saddex nin oo lagu eedeeyey inay katirsanayeen Xarakada Al-shabaab.

toogoeXukunka dilka ah ee maanta raggaas lagu fuliyey oo ay hore maxkamddu u ridday, ayaa waxa si wada jir ah u fuliyey  Ciidamada Booliska oo arrintaas loo xirlsaaray.

Sadexda Ruux ee Maanta Dilka Toogashada ah lagu Fuliyay ayaa lagu kala Magacaabaa.

1: Maxamed Cabdi Axmed

2: Xaajow Shiikh Nuur Cismaan

3: Ismaaciil Cabdulqaadir Jaamac

Xubnahaas oo dhammaantood ay ku caddaatay inay xubin ka ahaayeen Al-shabaab islamarkaana Maxkamada ciidanka Puntland ay ku cadaysay dambiyada ay gaysteen ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16-3-2015 waxaa lagu tooktay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Barri sidaa waxaa lagu yiri War Qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Punlanad.

Maamulka Puntland iyo Xarakada Al-shabaab, waxa ka dhexeeya dagaal qadhaadh, waxana  Magaalada Bosaso Xarakadu inta badan ka fuliyaan Weerarro qorshaysan oo saraakiil badan ay ku laayeen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed