|

Magacyada iyo Dalalkii ay u dhasheen Xubnihii Maanta ku Naf waayay Qaraxii Magaalada Garowe Akhri

Garowe 20.April 2015 (SDN/QJ)- Magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Somaliyeed ee Puntland ayaa waxa ka dhacay qarax lagu soo rikibay baabuur ka mid ah kuwa qaramadda midoobay ,waxaana ku dhintay ku dhawaad todoba shaqaalaha UN-ka ah.

11140753_366225800252107_5444907970296202946_nQaraxa waxaa uu sababay dhimashada 7-qof , shan kamid ah waa shaqaalaha Qaramada Midoobay , labana waxaa ay katirsan yihiin ciidanka ilaalada Hay’addaha caalamiga ah ee SPU , dhaawacuna waa 6-qof labo kamid ah iyana waa shaqaalaha UN-ka, dareewalkii gaadhiga waday iyo saddex askari oo ciidamada SPU

Habada shabakada Qurbejoog.com ayaa heshay magacyada dadkii ku geeriyooday qaraxaasi iyo kuwa ku dhaawacmay iyo dalalka ay u kala dhasheen.

Magacyada dadka Weerar Ku Geeriyooday  iyo dalalka ay u kala dhasheen

1.Brenda Kyeyune, Uganda.

2.Woki Munyui, Kenya.

3.Payenda Gul, Afghanistan.

4.Stephen Adero, Kenya.

5.Hal askari oo ka tirsanaa SPU, Somalia.

6.Hal askari oo ka tirsanaa PRS, Somalia.

 

Magacyada dadka ku dhaawacmaya iyo dalalka ay ka soo kala jeedan

1.Clement Adams, Uganda, dhaawac fudud.

2.Marialle Davies, Sierra Leone, dhaawac culus.

3.Cabdirisaaq Maxamed, Soomaali, dhaawac fudud.

4.Jill Shermin, USA, dhaawac fudud.

5.Makonna Florance, Kenya, dhaawac culus.

6.Labo askari oo ka tirsan SPU, dhaawac fudud.

Madaxwaynaha Soomaaliya Iyo Nicklos Key oo Ka Hadlay Qaraxa Garowe:

Madaxwaynaha Somaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warsaxaafadeed uu ku cambaaraynayo soo saaray,waxaanu maamulka Puntland ka codsaday in amaanka si waafi ah loo sugo.

Madaxweynuhu wuxuu ballan qaaday baadhitaan deg deg ah ay ciidammada Amnigu ku sameyn doonaan qaraxa, isla markaana QM lala wadaagi doono xogta, iyadoo isla markaana gacan furan lagu soo dhoweynayo haddii ay QM dooneyso in ay ka qeyb qaadato baadhitaanka.

kioeWuxuu ku boorriyay Dowlad Goboleedka Puntland iyo gaar ahaan ciidanka Amniga Puntland in ay sii xoojiyaan feejignaantooda isla markaana aanay u dabcin argaggixisada oo hadda ku soo hadhay degaanno kooban”Ayaa lagu sheegay warsaxafadeedka uu soo saaray madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh maxamuud ee Lagu cambaareynayay qaraxa ka dhacay Garowe

Nicklos key wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Somaliy ayaa cambaareeyay qaraxaa ka dhacay magaalada garowe.“Arintaan waxay murugo ku abuurtay Qaramada Midoobay, hadana waxay u mideysanyihiin sii loowadida howlahooda. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an in ay dadka Soomaaliyeed barbartaagnaato. Waxaan tacsi u dirayaa saaxiibadii iyo qoysaskii dadkoodu ku nafwaayeen iyo kuwii kudhaawacmay ama waxkunoqdayba.”ayuu yidhi wakiilka qaramada midoobay ee Somaliya Nicklos Key

Maamulka Puntland oo guddi u magacowday qaraxa ka dhacay Magaalada Garowe

Guddiga oo ka kooban Wasiiro iyo Taliyaal ciidan ayaa waxaa ay kala yihiin.

1.Wasiirka Aminga Dawladda Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Aloore

2.Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle

3.Wasiir Dawlaha caafimaadka Dawladda Puntland Cabdullaahi Jaamac Cali

4.Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Maxamed Saciid Jaqanaf

5.Taliyaha Nabadsugida Puntland Cor. Cabdullaahi

Dawladda waxay si buuxda u cadaynaysaa inaan falkaan wax saamayn ah ku yeelanayn amniga iyo kala-dambeynta wanaagsan ee kajirta Puntland, xaalada magaalada Garoowana ay tahay mid caadi ah, islamar ahaantaana ciidanka Amniga Puntland si dar dar leh ay u wadaan baaritaano xoogleh oo ku aadan dhacdadaas”ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta Puntland

Al Shabaab oo Sheegatay Masuuliyada Qaraxa

Xarakada al shabaab ee ka dagaalanta Somaliya ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaa ka dhacay caasimada maamulka Puntland .

Qoraal ka soo baxay qaybta warbaahinta ee Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas Al-shabaab fulisey islamarkaana lagu diley toban kamid ahaa shaqaalaha Qaramada Midoobey oo isugu jirey Soomaali iyo ajnebi.

Comments are closed