Magacyada Haween Soomaaliyeed Oo Ku Dhaawacmay Weerarkii Westgate Dhawaan Ka Dhacay
Nairobi:29-Sep-2013(SDN)-Weerarkii dhawaan kooxda abaabulini ku qaadeen xaruntii ganacsiga ee Westgate, ayaa waxa isa soo taraya in la magacaabo magacyada iyo dhalashada dadkii ku waxyeelloobay.
Haatan waxa si rasmi ah loo magacaabay Laba gabdhood oo walaalo ah Somali -Canadian ah, waxana la sheegay inuu dhaawac ka soo gaadhay weerarkaas.
Gabdhahan walaalaha ah oo lagu kala magacaabo Dheeman Cabdi oo 16 sano jir ah iyo walasheed Fardowsa Cabdi oo 17 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu ka soo gaadhey dhaawac weerarkii ay dhawaantan ku qaadeen maleeshiyaadka kooxda Alshabaab xarunta ganacsiga ee Westgate.
Gabadhahan walaalaha oo xilligii uu weerarkaas dhacaayey ku sugnaa xaruntaas ayaa Dheeman waxaa soo gaadhey dhaawac fudud halka walaasheed Fardowsa uu gaadhey dhaawac culus, Fardowsa ayaa waxaa lala beegsaday bam gacmeed iyadoona uu halkaas ka soo gaadhey dhaawac halis ah gaar ahaan lugteeda, Fardowsa oo uu dhaawaceedu ahaa mid culus ayaa waxaa dhamaanteed qariyey dhiig badan taas oo ay u qaateen ciidamada dalka Kenya iyo heyadaha gurmadka inay dhimatay iyadoona halkaas lagu eeganaayey mudo 2 saacadood ka badan oo ayna ku dhiig baxday ilaa markii dambe la ogaaday inay dhaawac tahay oo ay nooshahay.
Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaas Fardowsa aysan xaaladeeda caafimaad wanaagsanayn ayaa ehelada gabadhaasi waxay dadaal ugu jiraan sidii loogu qaadi lahaa dalka Canada si loogu daaweeye halkaas maadaama ay dhaqaatiirta dalka Kenya ay sheegeen inaysan wax ka qaban karin xaaldeeda caafimaad, Arinta la yaabka leh ee ku saabsan dhaawaca gabdhahan ayaa waxay tahay in gabdhahaas oo ay ka muuqatey inay yihiin gabdho Muslim ah oo Soomaaliyeed, haddana maleeshiyaadku iska indho tireen shucuurta islaamnimo ee ka muuqda.
Haweenkan soomaaliyeed ayaa ku sugnaa dalka Kenya ku sugnaa ilaa 4-sanadood, waxana ay ka soo noqdeen dalka kana oo ay u dhasheen.
S.D.N