|

Xildhibaano Ka Tirsan Aqalka Wakiilada Somaliland Oo Xukuumada Ku Dhaliilay Beelahodu Xaga Saami In La Siiyo Heerka Ugu Hooseya

Hargaysa 04-11-2012-(SDN)- Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka somaaliland kana soo jeeda Gobolada Awdal iyo Salal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargaysa ayaa si adag xukuumada ugu dhaliilay saamiqaybsiga Beelaha Gadabuursi iyo Ciise,
Shirkan jaraa’id oo ay si wada jira u qabteen Xildhibaan Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle , Xildhibaan Cali Aareeye, Xildhibaan Rashiid Maxamed Ismaaciil (Hoos u jeed), Xildhibaan Axmed Muumin Shibiin, Xildhibaan Diini Cabdillaahi, Xildhibaan Axmed Waabari, Xildhibaan Cabdilqaadir Jibriil Tukaale, Iyo Xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud Jirde iyo waliba xildhibaano kale oo tiro badan ayaa dhamaantoodba ka ka midaysnaa mabda’an Saami qaybsiga kaasi oo ay ku sheegeen inay garaydh ahaa xilalka ay xukuumada Siilaanyo ay u magacawday yihiin Garade C ama kuwa uugu liita xilalka la qabto.
waxa ay si adag uga hadleen dhacdooyinkii Foosha xumaa ee Dilalka ahaa kana dhacay Gabilay iyo Dilla inta u dhaxaysa , Saami-qaybsiga Kuraasta min Wasiir ilaa Agaasime, Ciidamadda kala duwan iyo Barnaamijyadda Horumarinta ah ee Dalka ka socda oo ay sheegeen inay ka qatan yihiin isla markaana aanay ku haysan wax talo ah.
Sidoo kale waxay kaga hadleen Shirkoodaas Jaraa’id kacdoono ay sheegeen Xukuumadda Somaliland inay ka wado Goboladda Salal iyo Awdal oo ay ka soo qaateen koox u dhashay Goboladaasi oo ay dhawaan Ciidamadda Qaranku u dhaadhiciyeen Xabsiga Mandheera iyo Cashuuro ay sheegeen in lagu soo rogay Ganacsigii Dekeddaha Deegaanadaasi.
Dhulka muranku ka taagan yahay ee aan Doorashooyinka laga qaban ee Deegaanka Lughaya ayay iyana sheegeen in wakhtigan lagu jiro Doorashooyinka laga xayiray oo aanay ka dhacayn iyagoo sheegay muddo badan Dhulkaasi Xukuumaddu inay go’aan ka gaadhi kari la’ dahay lahaanshihiisa.
Xildhibaanadan oo tirro ahaan gaadhaayey 16 Xildhibaan ayaa dhamaantoodba iyagu ka midaysnaa fikirkan isla markaas ku wada Socday waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay AxmedYaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxaana hadaladiisii kamid ahaa “Muddane madaxweyne waxaanu halkan kaaga soo jeedinaynaa tabasho iyo waxaanu tirsanayno oo aanu hore qoraal iyo af iyo adinba kuugu keenay sanad iyo badh ka hore wax aliyaalo wax jawaaba oo aad kasoo celisayna aanay jirin, baa tirsan waa u noqqotay maanta inay beesha caalamku maqasho waxaanu qabno hadaan inay ku joogsado sooyaalka somaaliland Dib u dawladayn, Dib u xoreyn, Dib u Heshiisiin iyo dib muqraadiyadayn”.
Sidoo kale Xildhibaanku mar uu ka hadlaayey dhaqaalaha Gobolka iyo sida loo maamulo waxa uu yidhi “Dhaqaalaha lafdhabarbaanu u nahay waxaana uu sanadkii kor u dhaafaa $12,000,000 qaranka waxbaanu ku darsanaa oo beerahayagaa la cashuuraa oo guryaha iyo gawaadhidaa la cashuura, kuma nihin qarankan baara sayt/Dulin ku dul nool laakiin waxaanu nahay muwaadiniin wax ku darsada Qaranka”.
Ugu danbayntii Xildhibaan Axmed Yaasiin waxa uu aad uugu dhaliilay xukuumada Siilaanyo inay inta badan ceebayso dadka iyo Shaqaalaha kasoo jeeda Goboladaasi waxaana uu mar kale yidhi “Balanqaadyada xukuumadu sheeganayso ee ay leedahay %70 ayaan qabanay inay qabatay Boqolkiiba 70 kale oo xaga nagatifka ah . Hanti dhawraha guud ee qaran waa inuu ummada dada hantideeda ilaaliyaa ma waxaad u isticmaalaysaa Jeedal aad nala dhacayso wasarad walba oo uu gallo inan reerka kasoo jeeda ayuu soo qabanayaa Ummada wanjalaada kadaa oo inamada bahdilka ka daa tii Hubkana waxaanu u aragnaa mid wax lagu yeelayo amaanka Gobolka”
Dhanka kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Qaar kamida Xildhibaanadii halkaasi ku sugnaa oo dhamaantoodba iyagu ka midaysnaa mabda’a kan ayaa warbaahinta uga waramay sistamka dawlagu ku shaqayso wasaaradaha, hay’adaha madaxabanaan iyo dhamaanba laamaha inaany wax muuqda ka haysan dhanka xilalka.

www.Somalideasporanws.com Hargeisa Office

Comments are closed