|

Magacaabista Golaha Wasiiradda waxaa xaq u leh Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed

Beryahaan waxaad warbaahinta ka maqleeysa ee waxa la isku heysta Magacaabiista Golaha Wasiiradda hase yeeshe haddii ay taas jirto waa nacasnimo iyo dadnimo xumo heysata Dowladda soomaaliya oo dhan.
Tusaale Haddii lugu magaacaabo Ra’iisal Wasaare waxaad xaq u leedahay in aad keensato Gole wasiiro ah oo aad soo xulatey laakin haddii ay noqoto mid adiga lugu soo xuley waxaad noqoneeysa qof aan Xukumin Golihiisa wasiiradda.
Madaxweynaha ama Golaha Baarlamaanka ama cid kale shaqo kuma laha magacaabiista Golaha wasiirada waxaa loo baahan yahay in Ra’iisal Wasaaraha u noqdo Qof Xor ah isla markaana Qofku Doono ayuu soo Xulan kara Golihiisa Wasiirada.
Haddaba Aniga waxaan kula talin laha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed haddii ay Wasiiradda noqdan kuwa la isku heysto magacaabistooda waxan dhihi laha HA IS CASILO maxaa yeeley sharaf kuma ahan in Cid kale ay kula Maamusho Magacaabiista Golaha Wasiiradda.
Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed waxaad tahay Ra’ iisal Wasaare Soomaaliyeed ee waa in ad leedahay Go,aan adag iyo Hoggaamin Fiican tan kale Shacabka Soomaaliyeed way ku sugayaan.
Mahad Sanadiin,
Dahir Mohammed Sheikh
Email: mr.dahir@msn.com
Nairobi Kenya

Comments are closed