Magacaabida Samaale Ma Hiil baa Mise Waa Hagar-daamo?
Waxa Madaxwayne Axmed Siilanyo isku badal ku sameeyay xukumadiisa hadda laba jirsanaysa.
Isku badalkan oo aha kii ugu samaynta badna intii ay jirtay dawlada masaxwayne Silaanyo ayaa waxa xilal koodii kuwayay wasiiro iyo masuliyyin iyadoo qaar kalana laga badalay Wasaradahoodii loona badalay wasarado cusub, waxaana la magacabay wasiiro iyo wasiir ku xigeeno cusub iyo masuuliyiin cusub.
Talabadan cusub ee uu qaday Madaxwayne Siilaanyo ayaa waxa ka dhashay dareeno kala duwan oo bulshada Somaliland ka qabto, waxayna dareenadani sheeko u noqdeen meelaha bulshadu isugu timaado iyadda oo meelaha shacabku hadalka ku badinayaan ay ugu muhiimsan yihiin xil ka qaadista wasiirkii wasaraada Maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi, oo ahaa shakhsi ku caan ah kobcinta dhaqaalaha dawlada, kana mid ahaa tiirarka xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasi oo ku biiray masuuliyiinta Madaxwaynuhu xilka ka qaaday.
Waxaana xilkaa lagu badalay Gudoomiye ku xigeenkii golaha wakiilada Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ahaa raggii Axmed Siilaanyo iyo xisbiga Kulmiye-ba la soo halgamay si ay doorashada Madaxtooyada ugu guulaystaan.
Md Samaale, waxa uu ahaa mid indhawaaleba aad uga dhex cadcadaa siyaasada xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, isaga oo horena u sheegay inuu musharaxa Madaxwaynaha ee shanta sanadood ee dambe isu-taagi doona xisbiga Kulmiye oo uu hadda gudomiye ka yahay Muuse Biixi Cabdi, waxaana dadka siyaasada falanqeeyaa tilmaami jireen in Samaale khatar ku yahay Muuse Biixi Cabdi oo Madaxwayne Siilaanyo daneynayo inuu noqdo cida isaga bedali doonta.
Dabcan, waxa rajo ka qabay inuu kulmiye iska dhex sharaxo oo uu ka tartamo Guddoomiye Cabdicasiis Samaale, arintaasina waxay ahayd mid hadal heynteedu aad u badan tahay, iyadda oo Madaxwayne Axmed Siilaanyo laga sugayey inuu koleyba dhan noqon doono Kulmiye dhexdiisa la tartamayo, iyadda oo dhan uu ka taagan yahay Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ah tirarka xisbiga Kulmiye, lana odhan karo waxa uu ka mid ahaa raggii Siilaanyo kursiga ku fadhiisiyay.
Haddaba sugida arintan Muuse Biixi iyo Samaale iyadda oo aan la isla gaadhin waxa dhacay hiil siyaasadeed oo Madaxwayne Siilaanyo garab ku siiyay Muuse Biixi Cabdi, waxaana caqabadii hor-taalay ka duway saaxiibkiisa hadda talada dalka haya, iyadda oo uu wasiirka Maaliyadda u magacaabay Samaale.
Arinta magacaabida Samaale, ayaa noqotay arin dadku aad u falan-qeeyaan, sidoo kalena keenta muran siyaasadeed oo odhanaya Ma yeeli doonaa xilkaasi Samaale oo laga filayey inuu Kulmiye uga dhex tartamayo Musharaxa Madaxwaynaha ee u ordi doonaa doorashada dambe.
Arintani dhanka kale waxay farxad u noqotay garabka Muuse ee cabsida ka qabay Mr Samaale, waxaana muuqata in Muuse Biixi u debaal degayo Magacaabista Cabdicasiis Samaale ee wasaarada Maaliyadda oo laf-dhuun gashay ku ahaa cabsina ka qabay ololihii uu Samaale ku doonayey inuu kaga dhex tartamo xisbiga Kulmiye uu baneeyo, iyadda oo aynu eegi doono halka uu ku lumay hamigii Samaale ee Musharaxnimada Kulmiye iyo halka ay ku dambayn doonto, iyadda oo Samaale ay soo gaadhi doonaan dhaliilo siyaasadeed haddii uu qabto xilkaasi
Haddaba, su’aasha waa Ma Yeeli doonaa Samaale xilkaa uu u Magacaabay Madaxwayne Siilaanyo..?
Wariye: Cabdirisaaq Xaamud Caydiid
Email: Xaamudcaydiid@gmail.com