Magaca Sarkaal Shabaab Katirsan Oo Lagu Soo Bandhigay Dhuusa Marreeb Iyo Muran Ka Taagan Hannaankii Loosoo Qabtay
Dhuusa-mareeba:Mar,07,2015(SDN/QJ)-Sarkaal katirsanaan jirey Ururka Al-shabaab, ayaa Maanta Ciidanka Dowladda Somaliya ee ku sugan Magaalada Dhuusa Mareeb soo bandhigeen, waxana la sheegayaa inuu iskii isku soo dhiibay.
Sarkaalka oo lagu magacaabo C/laahi Axmed Muxumed, ayaa waxaa xalay lagu qabtay deegaanka Madheedhgur ee Gobolka Galgaduud, xilli uu la socday gaadhi ka yimid dhinaca Degmada Ceeldheer, kuna sii jeeday Cadaado.
Sarkaalkaasi oo sida la sheegay lala soo qabtay walxaha qarxa, ayaa iska fogeeyay in wax qarax ah lala soo qabtay, wuxuuna taasi bedelkeedu uu ku doodayaa in isaga uu la soo xidhiidhay Saraakiisha Dowladda.
C/laahi Axmed Muxumed, ayaa Warbaahinta u sheegay in uu garowsaday in uu ka baxo Ururka Al Shabaab, isla-markaana uu isku soo dhiibo Dowladda Federalka Somaliya.
Waxa kaloo uu sheegay in dalka Yemen uu ku soo tababartay, loona soo tababaray qaabka qaraxyada loo farsameeyo, isla-markaana uu ka soo shaqeeyay Baydhabo, Muqdisho iyo qaybo ka mid ah Gobolka Galgaduud.
Saraakiil ka tirsan Dowladda Somaliya oo Warbaahinta la hadashay, ayaa waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan in ninkaasi uu ka tanaasulo Shabaabnimadii, isla-markaana uu dadkiisa dhinac ka raaci karo.
SDN/QJ