Magaca Sarkaal Katirsanaa Dawladda Kenya Oo Al-shabaab Ku Afduubteen Deegaanka Mandhera
Mandhera:April,23,2015(SDN/QJ)-Sarkaal Sare oo Katirsanaa Dawladda Hoose ee Degmada Mandhera ee Gobolka W/Bari Kenya, ayey Maanta Kooxo Hubaysan Oo Al-shabaab Katirsani Afduub ahaan u kaxaysteen.
Kooxaha Hubaysan ee Sarkaalkaas Afduubay, ayaa Saaka Wadadda u galay Baabur laba ahayd oo ka amba baxday Deegaanka Carabiye oo 30-Km u jirta Mandheera.
Shabaabku waxa ay gaadiidkaasi ka soo dejiyeen dadkii la socday dhammaantood, iyagoona dadka dib u fasaxay, marka laga soo taggo Mukhtaar Maxamed Macalin Ibraahim, oo ay hore u kaxeysteen.
Wakiilka deegaanka Carabiya ee Baarlamaanka Kenya C/raxmaan C/laahi C/raxmaan, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in ninka la qafaashay uu ahaa Sarkaal Dowladda Kenya ka tirsan, sida uu sheegay.
Wakiilka, ayaa ku doodaaya inaanay jirin cid uu dhibaato u geystay Mukhtaar, marka laga soo tago inuu ahaa Sarkaal Dowladda Kenya u shaqeeya.
Wararka waxay intaa ku darayaan in Shabaabku ay ninkaasi ula dhaqaaqeen dhinaca Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Tani waxay ku soo aadeysaa, iyadoo Khamiistii hore ay Shabaabku deegaanka Carabiya ka afduubteen gaadhi ay la socdeen dad rakaab ah, oo dalka Kenya u dhashay.
Booliska Gobolka Waqooyi Bari, ayaa waxay wadaan hawlgal ballaadhan oo ay ku doonayan inay dib ugu soo furtaan Saraalka, ay qafaasheen Xoogaga Al Shabaab.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com