Magaalooyinka Canada ugu waa weyn oo si looga diyaargaroobay Soo dhaweynta wefdiga Wasiir Xirsi hogaaminayo iyo deeq ururinta Wadada Ceerigaabo
Toronto May 23,2014(SDN/QJ)-Waxa dalkan Canada si weyn looga diyaar garoobey munaasibo is dul saran oo lagu soo dhaweynayo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland iyo ka qeyb qaadashada deeq ururinta Wadada Ceerigaabo.
Wefida Masuuliyiinta reer Somaliland ayaa lagu wadaa in ay isu maraan magaalooyinka Toronto iyo Ottawa oo ku yaal gobolka Ontario, halka ay gobolka Alberta ka booqan doonaan magaalada Edmonton.
Magaalooyinkan oo is abaabulay ayaa haatan si buuxda uGu diyaargaroobay wefdiga waxaana booqashadoodu aheyd hadal heynta uGu badan.
Jaalyada reer Toronto ayaa lagu wadaa in Caawa ay marti geliso wefdiga ka socda dalkoodii hooyo isla markaana ay yabooh mug leh uGu yaboohaan mashruuca Wadada Ceerigaabo.
Sidoo kale magaalada Edmonton ayaa iyana si weyn looga diyaargaroobay soo dhaweynta wefdiga iyo ka qeyb qaadashada Mashruuca Wadada Ceerigaabo.
Waa markii u horeysay ee wefdi baaxadan lihi uu soo gaaro Galbeedka dalkan isla markaana mujtamica loo soo bandhigo mashruuc wax tar u leh Bulshada reer Somaliland.
SDN/QJ-Toronto