|

Magaalada Muqdisho oo Hawl galo Ciidanku sameeyeen ku soo Qabteen Dhallinyaro lala Xidhiidhiyay Alshabaab iyo Hub ay Wateen

Muqdisho 16.March 2014 (SDN)- Howlgallo ay ciidamada booliska iyo nabad-sugidda Soomaaliya ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ayay ku soo qabteen dhallinyaro lagu tuhmay inay ka tirsan yihiin al-Shabaab iyo hub.

Ragga la qabtay iyo hubka oo la geeyay xarunta nabad-sugidda ee magaalada Muqdisho ayaa loo soo bandhigay saxaafadda kaddib howlgallada ciidamada.

loo tuhmaneyaal-300x168Tuhmaneyaasha qaarkood ayaa qiray inay xubno ka yihiin maleeshiyada al-Shabaab, isla markaana ay ku lug lahaayeen falal amni-darro oo magaalada ka dhacay, sida ay nabad-sugidda sheegtay.

Dhinaca kale, booliska Soomaaliya ayaa dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal Kaahiye ku soo bandhigay hub noocyo kala duwan leh oo ay ku soo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Taliyaha hoggaanka saadka ee booliska Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise oo howlgalka uga warbixiyay ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in hubka oo ay ku jireen hoobiye iyo qoryo kale oo kuwa darran-dooriga u dhaca ah ay ka soo fageen meel lagu aasay, kaddib markii ay xogo sirdoon ku ogaadeen.

Ciidamada amniga ee Soomaaliya ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo xasilloonida ka wada magaalada Muqdisho.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed