|

Magaalada Laascaanood oo uu ka socdo Qorshihii dib u habaynta Bilicda Magaalooyinka Waaweyn

Laascaanood 05.October 2013 (SDN)- Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool waxaa si habsami leh uga socda qorshayaashii wasaaradda arimaha gudaha ee hagaajinta iyo dib u habaynta bilicda magaalooyinka kaasoo ay halkaa ka fulinayso dawladda hoose ee magaaladaasi.

Laascaanood1Hawlgal qayb ka ah hagaajinta bilicda magaalooyinka ayaa saaka mar kale waxaa si kama dambays ah loogu baneeyey waddo halbowle u ah isu socodka iyo xidhiidhka dadweyne ee gudaha magaladaasi iyadoo guud ahaanba laga banneeyey ganacsatadii yaryarayd ee wadadaasi ku dul ganacsanaysay iyo dhismayaashii ku meel gaadhka ahaa ee lagu soo durkiyey wadadaasi.

hawlgalkan ay fulinayso dawladda hoose ee magaalada laascaanood uu gacan ka helayo bulsho weynta deegaankaasi ayna hirgelintiisa ka qayb qaadanayaan ciidamada amniga gudaha.

dhanka kalena Mayorka magaalada laascaanood C/qaadir jaamac Saalax ayaa uga digay ganacsatadii yaryarayd ee aagaasi laga baneeyey inay dib ugu soo noqdaan wadadaasi.

Laascaanood SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed