|

Magaalada Hargaysa oo Markii Kowaad laga Hirgaliyay Madxaf lagu Kaydin doono Taariikhda Somaliland DAAWO

Hargeysa 06.March 2015 (SDN/QJ) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada, ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland, Cali Siciid Raygal ayaa Daah-furay Madxaf loogu talo-galay in lagu soo bandhigo Aataarta Qadiimka ah ee Somaliland caanka ku tahay, kaasi oo laga hirgeliyey gudahaxarunta Wasaaraddaasi.

Munaasibadda lagu daah-furay Madxafkan oo muhiim u ah dalxiisayaasha Somaliland yimaadda, ayaa waxa kale oo ka qayb-galay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Cabdillaahi Cukuse, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha, Maxamed Dhabbeeye iyo Ku xigeenka Madaxda Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda ciyaaraha, dhallinyarada iyo dalxiiska Somaliland.

 

Comments are closed