|

Magaalada Garoowe oo Si balaadhan looga Xusay Maalinta 1 Luulyo

Garowe 01.July (SDN) Xarunta madaxtoyada Puntland ee magaalada Garowe ayaa caawa lagu qabtay munaasibad balaaran oo lagu xusayay sanadguurada 53-aad ee ka soo wareegtay xoriyada gobollada Koonfureed ee dalka iyo midowgii labada qaybood.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ,wasiiro ,xildhibaano ,saraakiisha ciidamada ,culimo ,aqoonyahano ,haween ,dhalinyaro iyo marti sharaf kale ayaa ka soo qaybgalay.

Kooxda Waabari Puntland ayaa heeso iyo riwaayado soo jiitay indhaha ka soo qaybgalayaasha xuska munaasibada kusoo bandhigay,waxayna intooda badan fankoodu u dhacayey qiimaha ay leedahay Kowda Luulyo iyo nidaamka axsaabta badan ee Puntland.

Abwaan Jaamac Kadiye iyo Xaliimo Puntland ayaa iyaguna gabayyo iyo buraanbur ka soo jeedshay madasha ka hor intaan koox rayid ah iyo askar aysan isla jiibin ciyaar hidaha iyo dhaqanka Somalida ah oo si wayn loogu riyaaqay.

Xogyahay ururka suxufiyiinta MAP Burhaan Axmed Daahir oo ku hadlay afka bulshada rayidka ah ayaa ku dheeraaday sida warbaahinta looga baahanyahay inay kaalin mug leh ka qaadato nidaamka dimqoraadiyada Puntland.

Ururada bulshada rayidka ah ayuu xusay inay ka midaysan yihiin in nidaamka federaalku yahay wadada Somali dib la iskugu soo celin karo islamarkaasina aysan suroobeen in nidaamkii dowladd dhexe oo awood leh dalka dib uga hirgeli karin.

Gudoomiye ku xigeenka Barlamanka Puntland ayaa ku tilmaamay maalin wayn Kowda Luulyo ,waxana uu ku soo dhoweeyay madaxweyne ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire.

Waxa uu sheegay in waqti badan iyo dhiig badan loo soo daadiyay sidii xoriyad loo heli lahaa Somalia ,wuxuna sidoo kale ka hadlay dhismahii Puntland 1998-diiiyo waliba nidaamkii loo dhisay,wuxuna sheegay in tacab loo soo galay dhulkii uduga.

Shacabka reer Puntland ayuu madaxwayne ku xigeenka Puntland ugu baaqay inay dhexda u xirtaan ka shaqaynta midnimada umadda.wuxuna sheegay inay wali jiraan dad dhiiga Soomaaliyeed  daadinaya oo aan waxba dadka u qabanayn.

Xaaladda Siyaasadeed ee ka jirta Jubaland ayuu ka hadlay Cabdisamad Cali Shire oo DF ku eedeeyay inay dhibaato fool xun ka wado Jubooyinka,isagoona dhanka kale ugu baaqay in la joojiyo dagaalada ka socda Kismaayo.

Cabdisamad Cali Shire ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan hadalka ka soo baxay dowlada Somalia ee ah in ciidanka AMISOM ee Kismayo ay ka qayb qaateen dagaalka,wuxuna ciidanka Kenya ku tilmaamay ciidan ammaanka Jubaland ka shaqaynaya kana qayb qaatay in Al-shabaab laga xoreeyo goboladaasi.

Cabdisamad ayaa amaan balaaran u jeediyay ciidanka Dowlada Puntland oo isku howlay adkaynta ammaanka guud ee dalka,.wuxuna ugu danbayntii Cabdisamad uu shacabka iyo kooxaha fanaaniinta ah ku ammaanay siday wanaagsan ee ay uga qayb qaateen xuska kowda Luulyo.

Calan saarka Somaaliya ayaa lagu soo gabogabeeyay xaflada Saqdii dhexe Caawa,waxana berito fasax ah dhamaan xafiisyada.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed