|

Magaalada Buuhoodle oo Maanta ay Soo Fadhiisatay Diyaarad Sida Wefti ka Socda Somalia

Buuhoodle 10.April 2014 (SDN)- Magaalada Buuhoodle ee Xarunta gobolka Buuhoodle,ayaa maanta yeelatay garoon diyaaradeed oo shaqaynaya isla markaana ay maanta soo fadhiisatay diyaaraddii ugu horraysay oo ay la socdeen Hoggaamiyaha Kooxda la baxday Khaatumo State Yuusuf Jaamac(Indha-sheel  iyo Xildhibaanno ka tirsan  Baarlamaanka Soomaaliya.

Markii ay soo caga dhigatay diyaaradda maanta soo fadhiisatay magaalada Buuhoodle oo ay la socdeen Hoggaamiyaha kooxda la baxday Khaatumo State iyo xildhibaannada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,ayaa isal garoonka lagu qabtay xaflad si rasmi ah xadhigga loogaga jaray garoonka diyaaradaha ee magaalada Buuhoodle maanta yeelatay.

Yuusuf Jaamac Indha-sheel,ayaa sheegay in garoonka ay ugu talo galeen in dadka reer Khaatumo ay ka soo degaan kana dhoofaan sda uu hadalka u dhigay.

Hoggaamiye Indha-sheel iyo xubnaha xildhibaannada dawladda Soomaaliya ee la socday,ayaa maanta ka soo dhoofay magaalada Muqdisho,waxaana la filayaa in ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho shirkii sadexaad  ee kooxda Khaatumo (Taleex 3) oo hore  dhawr goor u baaqday inay qabanayaan,isla markaana lagaga dhawaaqi doono in Khaatumo State ay tahay Maamul goboleed rasmi ah oo ka mid ah Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Haddii Maamul Goboleed lagaga dhawaaqo ka tirsan Federaalka Soomaaliya deegaannada ay ka taliso kooxda Khaatumo,waxaa laga filan karaa inuu fogaado xidhiidhka wada hadal ee xilligan u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya kaasoo ka dhalanaya deegaannada Kooxda Khaatumo ay maamusho oo ka tirsan dhul ahaan Somaliland.

Buuhoodle SDN.

Qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed