Magaalada Beledweyne oo siweyn loogu diyaar-garoobayo munaasabada Ciidda- DAAWO SAWIRADA
Baladweyne,1t5july,2015(QJ/SDN)-Iyadoo maalmo kooban uun ay naga xigaan munaasabada dabaal-dega maalinta ciiddu-fidriga ayaa siweyn looga dareemayaan suuqyada waaweyn ee magaalada Beledweyne diyaar-garoow xoogan oo ay dadweynuhu ugu jiraan siddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen fantisyaha iyo farxada maalintaa qiimaha badan.
Dad u badan haween iyo caruur ayaa la arkayaa iyaga oo mashquul ku ah goobaha ganacsiga ee lagu iibiyo qeybaha kala duwan ee dharka, gaar ahaan waxaa waxaad moodaa in ciiddan ay si gaar ah u saameyneyso caruurta oo la arkayo iyaga iyo waalidiinta oo buux dhaafiyay goobaha ganacsiga.
Marka aad dhax socoto meelaha laga dukaameysto, waxaa ay indhahaagu qabanayaan dukaamo lagu soo camiray Dhar ,Kabo isugu jira rag iyo dumar iyo walibaha Qalabka cururutu ku cayaaraan maalmaha ciidda oo aad moodo in sanadba sanadka ka danbeeya lagu soo kordhinayo farsamooyin cusub.
Ma aha oo kaliya goobaha gancsiga meelaha xiliyadan oo kale mashquulka ah, ee siddoo kale waxaa iyaguna aad u camiran dawaarada lagu tollo dharka oo dhinacooda ku howlan tolliinka qeybaha kala duwan ee dharka gaar ahaan kuwa dumarka.
Waxaa siddoo kale maalmahan oo kale ciriiri badan uu ka jiraa goobaha lagu sameeyo waxyaabaha mac-macaanka ah sidda xalwada iyo buskudka oo mar hore qoysasku dalabaadkooda sii geysteen.
Sikastsaba, diyaar-garowgan ayaa ah mid ka socda dhamaanba qeybaha uu gobolku ka kooban yahay.
Baladweyne:QJ/SDN