|

Madxweynaha Soomaaliya oo la hadlay madaxda Masar iyo Qatar

Muqdisho January 03, 2023 (QJ) – Madaxweynaha Masar, Abdul Fattah al-Sisi, ayaa ballan qaaday inuu taageero Soomaaliya, xili uu jiro khilaafka ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.

Xogwareysi uu dhawaan khadka taleefoonka kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay muujineyso mowqif saaxiibtinimo oo ay ku ku garab istaageyso amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, sida uu sheegay afhayeenka Al-Sisi, Axmed Famy.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in labada mas’uul ay ka wadahadleen horumarka gobolka iyo xiriirka labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar Tamim Bin Xamad oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha danaha labada dal, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

Midowga Yurub oo iyana ka hadlay heshiiska is-afgaradka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, ayaa kucaliyay ixtiraamka midnimada, madaxbannaanida, xuduudaha iyo dhulka Soomaaliya.

Comments are closed