|

Madaxwyne Obaama oo lagu wado in uu Nelson Mandela booqdo

Pretoria June 29,2013(SDN)-Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barack Obama iyo Xaaskiisa oo booqasho ku maraya qaarada Africa isla markaana maraya dhawr dal ayaa haatan ku sugan dalka Konfur Africa.

Booqashada Obaama ee Africa ayaa looga gol leeyahay sidii loo kobcin lahaa xiriirka ganacsi ee u dheexeeya Qaarada iyo Marykanka.

Madaxweyne Obama iyo Xaaskiisa ayaa lagu wadaa in uu la kulmo madaxweynaha Konfur Africa Jacob Zuma in ay kulamo yeeshaan.

Ka dibna Madaxweyne Obaama waxa uu dalbaday in uu la kulmo madaxwenihii hore ee Konfur Africa Nelson Mandel oo mudo 20 casho ah ku jira cusbitaal.

Caafimaadka Mandela ayaa maalmihii u danbeeyay soo hagaagayay ka dib kolkii hore quus laga muujiyay in uu ka kaco xanuunkan sanbabaha ee soo ritay.

SDN-Pretoria
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed