“Madaxweynihii Waxaa ku Soo dhacday uun Waar Ninkan Khabiirka ah ee Warfaafinta Cirkaa Gaynaya Maad u dhiibtid” Bashiir Cabdi Xariir {DHAGAYSO}
Hargaysa 03.July (SDN) Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Somaliland Mudane Bashiir Cabdi Xariir ayaa Sheegay in Wasaaradaha Boosaha iyo Warfaafintu ay Wasaaradaha kale ee dawlada kaga duwan yihiin inay Tartan kula Jiraan Hay’ado Madax banaan oo kale isagoo Tusaale u soo qaatay in Wasaarada Boosaha ay Garab Socdaan Shirkadaha Isgaadhsiinta,Halka Wasaarada Warfaafintuna ay Loolan kula Jirto Telefishano Madax banaan iyo Idaacado kale.
Wasiir ku Xigeenka Ganacsiga iyo Maalgashiga Bashiir Cabdi Xariir oo Maanta ka hadlayay Madal uu Xilkii Wasaarada Warfaafinta kula Wareegayay Wasiirka Cusub ee loo Magacaabay iyo Ku Xigenkiisa ayaa Waxa uu Bashiir Cabdi Xariir Si Duur Xul ah fariin ugu diray Wasiirka Warfaafinta Mudane C.laahi Cukuse oo uu sheegay inuu Mudo badan Wasiir ku Xigeen soo ahaan Jiray isla markaana uu ku Tamaniyay Sidii ay Wasaaradani Cirka ku qaban lahayd waxaanu ku Guubaabiyay in Maanta laga Sugayo Dariiqii ay Wasaaradani ku horumari lahayd.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/BASHIIRCABDI.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com