|

Madaxweynihii hore ee Masar Mubaarik oo maxkamadi ku weydey dhamaan denbiyadii lagu soo oogay

Qahira Nov 29,2014(SDN/QJ)-Maxkamad ku taal Masar ayaa shaacisay goaan ay ku sheegtay in dhamaan eedihii loo heystay madaxweyne Xusni Mubaarik lagu waayay.

Madaxweynaha ayaa hore xukun ahaa in uu ka danbeeyay dilalkii loogeystay dad ku madahaaraday sanadii 2011kii oo tiradoodu ka badneyd 800 oo ruux.

Madaxweynaha oo goaankaa racfaan k aqaatay ayaa haatan la sheegay in denbigaa lagu waayay.

Madaxweynaha iyo laba wiil oo uu dhalay ayaa haatan xabsiga uGu jira dhac hanti dawladeed oo ka badneyd $18 million oo dollar.

Madaxweynhii hore ee Masar Mubaarik oo haatan xabsiga ku Jira ayaa halkaa ku negaan doona sadex sano oo danbe, halka labada inan ee uu dhalay ayaa iyaga xabsiga ku negaan doona mudo afar sanadood ah.

Si kastaba ha ahaatee dalka Masar ayaa shicib faro badani ay aad uga caroodeen goaankan maxkamadu manta soo saartay, halka taageereyaashii Mubaarik ay farxad arinkan ku soo dhaweeyeen.

 

SDN/QJ-Qahira

contact@qurbejoog.com

Comments are closed