|

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter oo duulan lagu qaado Syria iyada oo aaney QM ogolaan sharci daro ku tilmaamay

Washington Aug 31,2013(SDN)-Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter ayaa ka soo horjeestay in duqeyn aaney Qaramada Midoobey ogolaan loo geysto dalka Syria.

“Tilaabo ciidan oo laga qaado Syria iyada oo aan jirin ogolaasho laga helo QM,Jaamacada Carabta iyo NATO waa sharci daro”sidaa waxa yiri madaxweyne Carter.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa hore ugu ahaa taageere weyn Madaxweynaha haatan ee Mareykanka Obama.

Carter ayaan aheyn madaxweynaha qura ee ka hadlay weerarka Mareykanku damacsan yahay in uu ku qaado Syria.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka George Bush ayaa saxaafada u sheegay in Obama ay horyaalo goaan adag.

Dawlada Mareykanka ayaa shaacisay in ay heyso cadeemo muujinaya in dawlada Syria ay weerar sun ah ku qaaday ilaa iyo dhawr iyo toban goobood oo ay duleedka Dimishiqna ka mid tahay.

SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed