Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Burundi oo kulmay
-Bujumbara November 16, 2023 (QJ) – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahan ku sugnaa dalka Burundi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey, wuxuuna la kulmay dhiggiisa dalkaasi Evariste Ndayishimiye.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Ndayishimiye ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin sare u qaadista iskaashiga labada dal iyo la dagaallanka khatarta Al-Shabaab.
Kulanka labada madaxweyne ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada ee magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi.
Sidoo kale, shirka ayaa waxaa looga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin.
Labada Madaxweyne ayaa wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya yeeshay, iyagoo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, iyo sidii loo xoojin lahaa midnimada labada shacab ee Burundi iyo Soomaaliya.
Madaxdu waxay si qoto dheer u qiimeeyeen heerka iskaashiga laba geesoodka ah, iyagoo muujiyay baahida loo qabo hagaajinta xiriirka adag iyo kan walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dawladood iyo shacabka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Madaxweyne Evariste Ndayishimiye dadaalka uu ugu jiro ka qeyb qaadashada dib u soo celinta nabadda, amniga, iyo xasiloonida Soomaaliya, gaar ahaan dhanka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Sidoo kale, labada mas’uul ayaa bogaadiyay ciidamada Burundi iyo kuwa Somalia, iyo sidoo kale ciidamada AMISOM ee ku sugan gobollada ay colaaduhu ka jiraan, dagaallada ay kula jiraan kooxda mayalka adag ee Al-shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay doorka Madaxweyne Evariste Ndayishimiye ee nabadda iyo xasilloonida gobolka Bariga Afrika, gaar ahaan geeddi-socodka nabadda ee Nairobi iyo ku lug lahaanshaha Burundi ee howlgallada nabad ilaalinta ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.
Gabagabadii, Madaxweynaha Burundi Evariste Ndayishimiye ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqashadiisa rasmiga ah ee Burundi, isagoo ku ammaanay dadaallada hagar la’aanta ah ee uu ugu jiro horumarinta nabadda, amniga, dimuqraadiyadda, iyo horumarka Soomaaliya.