Madaxweyneyaal hore oo u digay Baarlamaanka Soomaaliya
Garoowe March 23, 2024 (QJ) -Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed oo shir ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa soo saaray war murtiyeed ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Labada Madaxweyne ayaa fariin u diray Madaxda iyo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxayna ugu baaqeen inay ka fogaadaan wax kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, iyagoo ku nuux nuuxsaday in loo hogaansamo nidaamka sharciga ah ee ku xusan dastuurka dalka.
Farmaajo iyo Shariifka ayaa ku booriyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuusan ku dhaqaaqin wax ka bedelka Dastuurka, iyagoo u soo jeediyay inuu sii wado dadaalada ku aadan ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta Dastuurka uu u dhaartay.