|

Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Oo Soo Gunaanaday Tartankii Labada Waxyi Ee Bisha Ramadaan Ka Socday Dalka Oo Dhan Iyadoo Abaal-Marino Qaaliya La Siiyey Ardaydii Ku Guulaysatay Kaalmaha Hore

saylici
Hargeysa 19 jully 2014 (SDN/QJ):- Tartanka xifdiga labada Waxyi ee Qur’aanka Kariimka ah iyo Axaadiistii Rasuulka (CSW) oo in muddo ah ka socday gobollada dalka Somaliland ayaa lagu soo gunaanaday xaflad ballaadhan oo maant lagu qabtay hoteelka Ambassador

Tartanka xifdiga labada Waxyi ee Qur’aanka Kariimka ah iyo Axaadiistii Rasuulka (CSW) oo in muddo ah ka socday gobollada dalka Somaliland ayaa lagu soo gunaanaday xaflad ballaadhan oo maant lagu qabtay hoteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Xafladdan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay marti-sharaf uu ka mid ahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md C/raxmaan-Saylici, Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Khaliil, Wasiirka Daakhiliga Md Cali-Warancadde, Lataliyaha Madaxweynaha Mr Barkhad Jaamac iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda, Sharikado wadaniya, Hey’ado islaamiya, Culimo-udiin, Arday, Macallimiin iyo Marti-sharaf kale ooaad u fara badan.

Tartankan oo galay sannadkii labaad, ayaa mara labo Wareeg. Iyadoo wareeggii hore oo la qabtay 7-dii ilaa 11-kii Ramadaan, ay ku tartameen 681 Arday oo ka socday gobollada dalka oo dhan. Halka wareeggii Labaad ay ka qayb-galeen 180 Arday. Waxaanay dhammaantood ka socdeen 46 Madarasadood oo Hargeysa ah iyo 12 Madarasadood oo gobollada kale ee dalka ah.Munaasibaddan oo abaal-marino kala duwan oo aad u qiimo badan lagu bixiyey ayaa masuuliyiintii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Madaxweyn-Xigeenka Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo u hambalyeeyey ardaydii ka qayb-gashay tartankaasi iyo waalidiintooda iyo weliba Hey’adda Islaamiga ah ee Al-Xayaat oo tartankan qabatay. Isagoo dhanka kalena mahad-celiyey dhammaan cid kastoo kasoo shaqaysay isla markaana dedaal soo gelisay qabsoomidda tartankan iyo xafladdiisaba.

“Runtii waxaa farxad dhammaanteen innoo ah oo maanta halkan isku soo taagnay, muhimadda ay leedahay xafladdani, waa xaflad aad u qiimo badan, waa xaflad loogu tartamayo Qur’aankeenii Kariimka ah iyo Axaadiistii, wax lagu tartamo runtii wixii ugu qiimo badnaa ayuu yahay….” Ayuu yidhi Md C/raxmaan-Saylici.

Wasiirka Diinta Iyo Aw-qaafta Md Khaliil Cabdilaahi Axmed oo madashaasi kalmad ka jeediyey ayaa ka hadlay muhimadda ballaadhan iyo qiimaha weyn ee diinteenna suubban ee Islaamku innoogu fadhido, haddii ay noqoto akhris, isku-xukumid, isku dawayn, sharfid, ilaalin iyo weynayn.

Sheekh Khaliil ayaa xafladdaasi ku tilmaamay mid lagu qiimaynayo laguna sharfayo ardaydii Qur’aanka iyo Axaadiista qaybtay waxaanu yidhi isagoo arrimahaasi ka hadlay “Waxaynu u joognaa inaynu qiimayno ardaydii iyo hablihii xafidday {Qur’aanka iyo Axaadiista} oo aynu ku karaamaynayno jawaa’istaas qiimaha badan….”

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta ayaa kalmad duur-xul ah u jeediyey salafiyiinta oo ah culimada qabata tartankan oo uu kula taliyey in tartanka ay sii ballaadhiyaan oo ardaydooda ka qayb-geliyaan tartanka heerka qaran ee uu qabto madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Isagoo intaasi ku daray inay diyaar u yihiin dhankooda.

Bal musaabaqaadka heerka caalamiga ah ama kuwa jamhuuriyaddeena bal sidii looga soo qayb-geli lahaa aan ka wada tashanno ayaan odhan lahaa C/xakiim (Guddoomiyaha Hey’adda Qabatay Tartanka) iyo walaalahayga salafiyiinta ah dhammaantood … oo bahasha haka dhigana oo meel yar oo soke uun ha istaaginee bal caalamka kala qayb-qaataan odhan lahaa runtii ….” Ayuu yidhi Wasiirka Diinta Iyo Awqaaftu.

Sheekh Khaliil C/laahi Axmed ayaa halkaasi uga mahad-celiyey dhammaan dadkii soo qaban-qaabiyey hawshan gaar ahaan Cabdixakiim oo uu ku ammaanay dedaalka dheeraadka ah ee tartankan uu galiyey oo maraaya sannadkii Labaad.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Waran-Cadde oo halkaasi ka hadlay ayaa rajo-wanaag ka muujiyey mustaqbalka dalka, maadaama ayuu yidhi ay muuqdaan bulsho u badan dhallinyaro xuffaad ah oo leh diin, akhlaaq, iimaan iyo wax-tar, kuwaasoo uu sheegay in mustaqbalka dhaw camimi doonaan dalka oo dhan.

“Waxaa halkan ka muuqata in Ilaahay dalkan iyo dadkiisaba uu nimco la damcay, waayo ummaddu haddii ay hagaagto oo ay toosnaanto, oo kitaabka iyo axaadiista ay ku toosto, oo khayrka iyo wanaagga ay u kala dheerayso, Ilaahay wuxuu ku nimceeyaa nimcooyinkiisa faraha badan …” Ayuu yidhi Md Waran-cadde.

Sheekh Cabdilaahi-Makaawi oo munaasibaddaasi ka jeediyey kalmaddii culimada, ayaa ka warramay fadliga, xikmadda iyo qiimaha ballaadhan ee ku jira barashada Qur’aanka Kariimka ah iyo Axaadiistii Rasuulka (CSW). Waxaanu ardayda kula dardaarmay inay bartaan fahamka micnaha iyo tafsiirkooda.

Sheekha ayaa sidoo kalena Waalidiinta la hadlay kuna boorriyey inay ubadkooda la ogaadaan kuna barbaariyaan diinteenna suubban ee Islaamka. Isagoo dhanka kalena madaxweynaha Somaliland uga mahad-celiyey tartannada Qur’aanka ah ee sannad walba uu qabto.

Maal-qabeennada dalka iyo guud ahaan xukuumadda Somaliland ayuu Sheekhu ku baraarujiyey inay doorkooda ka qaataan fidinta, qadarinta iyo qiimaynta Qur’aanka kariimka iyo Sunnada nabigeenna Muxammed Naxariis iyo Nabad-gelyaba korkiisa ha ahaatee.

Sheekh C/laahi-Makaawi ayaa bulshada dareensiiyey wax-qabadka Salafiyiinta Somaliland, isagoo ka digay in si kale aan loo qaadan, waxaanu yidhi “Dhallinyartaa yar yar ee aad arkaysaan ee codkooda cajiibka ah ku akhrinaysa Kitaabka Ilaahay iyo Axaadiista Nabiga … Waa simaarta (midhaha) Addacwah Salafiya Fil Jamhuuriyat Somaliland ay soo saartay, ayna runtii ku qal-qaal jirto in horumar kasii samayso….”.

Guddoomiyaha Hey’adda soo qaban-qaabisay tartankan Cabdixakiim Saciid Barre oo munaasibaddaasi ka hadlay ayaa halkaasi mahad-naq ballaadhan uga gudbiyey dhammaan marti-sharaftii goobtaasi iyadaha ah isugu timi iyo cid kastoo gacan ka geysatay kana caawisay qabsoomidda tartankan.

Dr Xuseen Xasan (Al-Faradi) iyo Muuse Xaaji-Cali oo ka mid ahaa guddidii imtixaanka qaadaysay ayaa ka sheekeeyey qaabkii ay u qaadayeen imtixaanka, habkii caddaaladda ahayd ee loo maray iyo aragtida ay ka qaateen ardayda oo ay sheegeen inay ahayeen kuwo uu juhdi far badani ka muuqday.

Gebo-gabadii munaasibaddaasi waxaa abaal-marino kala duwan la siiyey tartamayaashii ku guulaystay kaalmaha hore. Iyadoo abaal-marinadaasi uu guddoonsiinayey madaxweyne-xigeenka Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici). Waxaanay tartamayaashaasi ugu kala guulaysteen sidan:

Ardaydii Ku Tartantay 30-ka Juz Ee Qaybta Wiilasha.

Kaalinta 1-Aad: Axmed-Yaasiin Yuusuf Maxamuud Ismaaciil Oo Ku Guulaystay $ 500 USD, Shahaado, Xajka Oo Laga Bixiyo Iyo Hadiyado Kale.

Kaalinta 2-Aad: Khaalid Maxamed Cismaan Cali Oo Ku Guulaystay $ 400 USD, Shahaado Iyo Hadiyado Kale.

Kaalinta 3-Aad: Cabdilaahi Cali Sulaymaan Rooble

Ardaydii Ku Tartantay 20-ka Juz Ee Qaybta Wiilasha.

Kaalinta 1-Aad: Maxamed Cabdiraxiim Axmed

Kaalinta 2-Aad: Maxamed Sugulle Saciid Cismaan

Kaalinta 3-Aad: Cali Aaden Cismaan Hurre

Ardaydii Ku Tartantay 10-ka Juz Ee Qaybta Wiilasha.

Kaalinta 1-Aad: Jimcaale Shacbaan Cabdiraxaam Cusmaan.

Kaalinta 2-Aad: Cabdifataax Cabdilaahi Faarax Axmed

Kaalinta 3-Aad: Suhayb Kayse Cabdilaahi Maxamed

Ardaydii Ku Tartantay 30-ka Juz Ee Qaybta Hablaha.

Kaalinta 1-Aad: Asma Maxamuud Nuur Muxumed Waxay Ku Guulaysatay Abaal-marino Kala Duwan Iyo Xajka Oo Laga Bixiyo.

Kaalinta 2-Aad: Xafsa Maxamed Aaden Xasan

Kaalinta 3-Aad: Xamna Axmed Geelle Axmed

Ardaydii Ku Tartantay 20-ka Juz Ee Qaybta Hablaha.

Kaalinta 1-Aad: Nuura Jaamac Iidle Samatar

Kaalinta 2-Aad: Faadima Cabdiraxmaan Cali Guuleed

Kaalinta 3-Aad: Asma Axmed Cabdi

Ardaydii Ku Tartantay 10-ka Juz Ee Qaybta Hablaha.

Kaalinta 1-Aad: Asma Axmed Maxamuud Xuseen

Kaalinta 2-Aad: Hodan Axmed Maxamed Xasan

Kaalinta 3-Aad: Amaal Rashiid Cabdilaahi Aadem

Ardaydii Ku Tartantay Kitaabkta Cumdatul Axkaam Ee Qaybta Hablaha.

Kaalinta 1-Aad: Shamsa Cabdiqaadir Ibraahim Cali Waxaanay Ku Guulaysatay Abaal-marino Kala Duwan Iyo Xajka Oo Laga Bixiyo

Kaalinta 2-Aad: Najma Cabdilaahi Maxamed Maxamuud

Kaalinta 3-Aad: Asma Cabdiraxmaan Xuseen Warsame

Ardaydii Ku Tartantay Kitaabkta Arbaciinka Ee Qaybta Hablaha.

Kaalinta 1-Aad: Hodan Cumar Cali Cabdilaahi

Kaalinta 2-Aad: Faadima Kayse Aaden Axmed

Kaalinta 3-Aad: Nasteexo Yuusuf Bashiir Xirsi

Ardaydii Ku Tartantay Kitaabkta Cumdatul Axkaam Ee Qaybta Wiilasha.

Kaalinta 1-Aad: Cabdimajiid Axmed Digaale Mire Waxaanu Ku Guulaystay Abaal-marino Kala Duwan Iyo Xajka Oo Laga Bixiyo.

Kaalinta 2-Aad: Khaalid Axmed Maxamed Xayd

Kaalinta 3-Aad: Shucayb Xuseen Axmed Ducaale

Ardaydii Ku Tartantay Kitaabkta Arbaciinka Ee Qaybta Wiilasha.

Kaalinta 1-Aad: Cabdirisaaq Maxamuud Cabdilaahi Nuur

Kaalinta 2-Aad: Cabdirisaaq Xuseen Aadem Cawil Iyo Axmed Aadem Maxamed Aadem.

Waxaa xusid mudan isla markaana halkaasi abaal-marin Xaj ah helay mid ka mida macallimiinta afartii arday ee ku guulaystay Xajka. Kaas oo bakhtiyaa-nasiib ku helay abaal-marintaasi. Sidoo kale waxaa halkaasi Billad-Sharaf lagu guddoonsiiyey Madaxweyne-xigeenka Md C/raxmaan-Saylici. Waxaa iyagana Billad-Sharaf iyo shahaado-sharafyo la siiyey Hey’adihii, Sharikadihii iyo Shakhsiyaadkii ka qayb-qaatay qabsoomidda tartanka Xifdiga Labada Waxyi.

Hargeisa SDN/QJ

Maxamed Aadan Qurbe Jog

Concat@somalidiasporanews.com

Comments are closed