|

MADAXWEYNE XASAN WAXA UU YIDHI XIDHIIDH BAA NOO SOCDA, MADAXWEYNE SIILAANYANA WAXAA UU YIDHI XIDHIIDH MAANU YEELAN, YAAN RUMAYSANAA?DAREEN BAA JIRA‏

SCWW DHAMAANTIINBA

Sakaaro saxaro muuqata ayey is tiraahdaa aas waayeelka korkiisu waa wada indho ciyaala ciilmiyoow

Waxaa la yaabay nimanka maanta s/land taladeeda hayo maangaabnimadooda iyo sida aanay dib uguba eegaynay shalay waxay yidhaahdeen  wasiirka siilaanyo  ee arrimaha dibad markuu shalay shirka iclaaminayey waxaa uu yidhi anaga iyo soomaaliya xidhiidho ayaa noo socday iyo balamo labada dhinacba  ah qof kastooba waad dhagaysan kartaa  codkiisa labada dhinacba macnaheedu waa waan wada xidhiidhaynay wada hadlayney madaxwaynayaashuna way soo galayaan wada hadlkaa inta xasan sheegayna iminka ayuu wasiirka arrimaha dibadu u markhaati furay siilaanyana hore waxaa uu u yidhi hore wax xidhiidh ah oon la yeelanay soomaaliya ma jirto ,waayahay

Xasan waxaa uu hore u yidhi anaga iyo s/land wada hadal fiican baa noo socda meel wanaagsana waa noo maraysaa oo uu afka ku dhuftay si kalsooni ah midnimada soomaaliyana waa mid.

 

Sillaanyo waxaa uu yidhi fagaare wax xidhiidh ah oon la yeelanay soomaaliya ma jirto lamana kulmayno.  ka dibna qudbad kale waxaa uu yidhi wada hadalna la gali mayno waxaa ku xigtay shirkii wada tashiga arrimaha shirarkan soo shaac baxaya laga yeelan lahaana oo  iyagu  iclaamiyey habeen horana  ayaa la baabiyey oo laga soo qaaday wax kama jiraan dadkiina la yidhi kala huleela .

Maantana wasiirkiisii arrimaha dibada ayaa sidan u hadlaya waxaad shacbiga reer s/land aad wada aragtaan raga idin matalaya sida sheekadoodu iskaga hor iyo dabao imanayso iyagoo maanta madaxdii dalka loo doortay ah ay beenta shacbigooda ay u sheegayaan ilaahayna u fashilinayo maalin walba

 

Dalkiina u tashada waxba  yaan lagu halayn ragani waxna yaan laga rumaysan talo qaran oo gobolo ah ama qabiilooyin ah ha layskaga yimaado talada dalka dawlada soomaaliyana wax heshiis ooy la gali karaan ma jiro ilaa s/land wax lagu wada hadlay ay ogaadaan salaadiinta dalkoo dhan iyo culimaadiinka iyo labada gole ee goblanka ahba

Taasina ingiriiska ayaa markhaati ka ah in siilaanyi ku yidhi waxaan la soo tashanayaa dadkaygii lamana tashan waa lagu dacweynayaa imminka taasi ha ogaado balanka beenta ah aanu fulinin iyo in uu shirkii wada tashiga bur buriyey isagu waa danbi wayn.

Hadlka cadi waa qurux  xataa cadowgaaga ayaa kugu jeclaanya run sheegidaada taasi waxay ku iibsadeen xisbigani kulmiye been iyo wax qarin meelo waxa jira wax laga qariyo meelo aan wax laga qarin oo cad

 

 

Fuad farah jawi

Canada Ottawa

Comments are closed