|

Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Ka Qeybgalaya Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub Kenya

Muqdisho April 09 2013 (SDN)– Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Prof.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Muqdisho,  wuxuuna ku sii jeedaa dalka Kenya si uu uga  qeybgalayo munaasbada caleema saarka Madaxweynahii 4 aad ee Jamhuuriyadda Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ayaa saaka ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa  waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole iyo saraakiil ciidmada xooga dalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo ku dhaw xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tibaaxayo in booqashada Madaxweyne xasan Shiikh Maxamuud ay qaadan donto Mudo Halmaalin ah ,islamarkaan u dib ugu soo laban doono dalka.

SDN-Muqdisho

Comments are closed