|

Madaxweyne Xasan sheikh Oo Xalay Villa Somalia Kula Shiray Siyaasiyiin Miisaan leh Iyo Nuxuka waxyaabihii lagaga Hadlay

Muqdisho:15-Nov-2013(SDN)- Madaxweynaha Dawladda federalka Somalia  ayaa Habeenkii Xalay kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay siyaasiyiin miisaan leh oo ka tirsanaan jirey kooxdii mucaaridka ahayd ee dhawaan la baxday Badbaado qaran.

villa-somaliaKulanka oo Villa Somalia ka dhacay , waxaa looga hadlay khilaafka Gollaha isku galiyay Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo haatan gaadhay heer dunidu faalayso.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha kulankaas looga hadlay, balse kooxdan ayaa waxa ay Warbaahinta gudaha u sheegeen in ay doonayaan sidii ay u kala dhexgali lahaayeen madaxda Dowladda Fedaraalka Soomaaliya isla markaana loo badbaadin lahaa qaranka, meeshana looga saari lahaa ismaandhaafka cusub ee soo kordhay.

Ma aha oo kaliya in Villa Somalia kulamo gaar ahi ka socdaan, balse maalmahanba labada dhinac ee is hayaa waxa ay wadeen kulamo gooni gooni ah oo la qaadanayeen xubnaha ay sida gaarka ah kalsoonida ugu qabaan inay khilaafkan la xoojin karto  ama wax kala qaban karto dhibaatada haysata.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed