Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga kajaray dhismaha Nabadsugida Shadooyina Gudoonsiyay
Muqdisho Jan 06 2013 (SDN)— Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay maanta Munaasabada Sanad guuradii 41 aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay ciidamada Nabad sugida ama sirdoonka isagoo dhanka kale xariga ka jaray dhismaha Hey’ada Nabad sugida.
Xasan sheekh Maxamuud Madaxweynaha soomaaliya ayaa xariga ka jaray dhismaha kaas oo ay hey’adu ku shaqeyn doonta kadib dayactir lagu sameeyay.
Xaflada ayaa waxaa ka hadlay Madax kala duwan sida taliyaasha ciidamada iyo gudoomiyayaal waxana dhamaantood si isku mid ah ay ugu hambalyeeyeen ciidamada Nabad sugida.
Axmed Macalin Fiqi oo ah Agaasimaha guud ee hay,adda Nabadsugida oo ka hadlay goobta ayaa isagana ku dheeraaday ka hadalka waxqabadka ciidamada Nabadsugida Isagoo mahad gaarna u jeediyay ciidamada.
Ugu dambeyn Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa si gaar ugu amaanay ciidamada Nabad sugida howsha ay hayaan,waxuuna sheegay in ciidamada Nabad sugida ay yihiin kuwa ugu hab dhaqanka wanaagsan marka loo eego ciidamada kale ee dowlada.
Madaxwaynaha ayaa shahaadooyin iyo Abaalmarino gudoonsiiyay Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Nabad sugida.
Muqdisho-SDN