|

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xalay Saraakiishiisa Ammaanka Albaabka Hoosta Uga Soo Xidhay, Hortoodana Ka Sheegay in Looga Baahan Yahay Ciddii Hubka u Gudbisay Kooxda Al-shabaab

Muqdisho:19-Feb-2014(SDN)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Habeenkii Xalay Kulan Albaabadu U  Xarunta Kumandho Boolisiyo ee Degmada Hawlwadaag Kula yeeshay Wasiirro iyo Saraakiil kale oo Ka Tirsan Ciidamada kala duwan ee Soomaalia.

 

xasan shiikhKulankan oo ahaa mid aan Saxaafaddu wax badan ka Ogayn, ayaa warar hoose oo Qureboog.com Heshay waxa ay sheegayaan in  si weyn la isula qaadaa dhigay arrimaha Ammaanka gaar ahaan midka Magaalada Muqdisho oo Toddobaadyadii la soo Dhaafay ay madaafiic badani iyo dilal qorshaysani ku soo Badanayeen.

 

Sidoo kale waxa  uu madaxweyne Xasan sheikh si Gaar ah ugu sheegay wasiirradii iyo saraakiishii kale e eHalkaas joogay inuu si gaar uga cadhaysan yahay Hubka la sheegayo inuu Dawladda ka Baxay, islamarkaana galay Gacanta Kooxda ay dagaalka kula jiraan ee      Alshabaab, isagoo xusay in sharciga la Horgeyn doono Sarkaalkii hawshaasi ku caddaato.

Kulankan ayaa ahaa mid socday muddo dhawr saacadood ah, waxana uu madaxweynuhu si weyn ugu canaantay Saraakiishiisa Ammaanka inay Gaabis ka Noqdeen sidii ay uga Hortagi lahaayeen Tallaabooyinka  Amniga lagu Wiiqayo ee ay kooxaha Shabaabku sii Kordhinayaan.

Shirkan degdegga ah ayaa ka Dambeeyey markii Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dabagalka Hubka soomaalia la siiyaa ay sheegeen in inta badan Hubkii Dawladda lagu caawiyey uu Gacanta u galay Kooxda Alshabaab, taas oo si weyn uga cadhaysiisay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xukuumaddiisa.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanew.com

 

 

Comments are closed