Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay Go’aanka ay Baarlamanku Kalsoonidii kala noqdeen Xukuumadii Ra’isal Wasaare Saacid
Muqdisho 02.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay kalsooni kala noqoshada uu maanta baarlamaanka ku sameeyay raysul wasaaraha xilka ka degaya ee Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in go’aanka uu gaaray baarlamaanka uu caddayn u yahay awoodda hay’adaha dalka.
Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay xildhibaannada shaqada adag ee ay qabteen iyo sida ay uga go’an tahay inay dalka badbaadiyaan.
Wuxuu tilmaamay inuu aqoonsan yahay dadaallada iyo shaqada uu qabtay muddadii halka sano ahayd ee uu xilka hayay raysul wasaaraha.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida ah kala noqday raysul wasaaraha. 249 mudane ayaa doodda ka qeyb gashay, 184 baa u codeysay in kalsoonida lagala noqdo raysul wasaaraha, 65 xildhibaanna way siiyeen kalsoonida.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com