|

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Si Rasmi ah Ugu Dhawaaqay Inuu Yahay Musharrax u taagan Doorashada 2016-ka Somalia Ka Dhici Doonta

Muqdisho:Sep.12,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dawladda Federal-ka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay si rasmi ugu dhawaaqay inuu u taagan yahay Tartanka Madaxtinimo ee Doorashada dalka ka dhici Doonta sanadka 2016-ka.

habeeMadaxweynaha  oo  xalay qaarka mid ah  shacabka uga jawaabayey su’aallo la weydiiyey oo tooos uga baxayey TV-ga Dawladda, ayaa ka jawaabay su’aalo badan oo ay mid ahayd midda Hankiisa Doorashada waddanka ka dhici doontaa, waxana uu si cad u sheegay inay maankiisa ku jirto inuu tartankaas ka qaybgalaa.

Madaxweynaha oo la weydiiyay su’aal aheyd inuu yahay musharax ayaa sheegay inuu yahay Musharax u taagan doorashada 2016, sida muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu musharax u yahay, isagoo cadeeyay in hadii laga guuleysto uu diyaar u yahay inuu wixii qibrad ah ku kordhiyo shaqsiga la doorto.

“Waxaan ahay musharax u taagan sanadka 2016 doorashada dhici doonta, sida muwaadin kasta ee Soomaaliyeed uu musharax u yahay, hadii la iga guuleystana waxaa diyaar u ahay inaan wixii khibrad ah ku kordhiyo shaqsiga la doorta”ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale muujiyay sida uu diyaarka ugu yahay inuu mar kale xafiiska ku soo laabto.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la weydiiyay eedeynta kufsiga lagu eedeeyay AMISOM, isagoo xusay in taasi marna aanay farxad gelineyn, hase ahaatee Xukuumadu ay weydiisatay in jawaab cad ka bixiso AMISOM, isla markaana ay haatan socdaan daba gal kala duwan.

Mar la weydiiyay dhawaaqa ka soo yeedhay ee bixitaanka AMISOM ee sanadka 2016 ayuu sheegay in AMISOM mar walba dalka ka bixi laheyd, hase ahaatee joogitaankeeda xilligan ay keentay daruufo xag amni, iyo in Soomaaliya ay gabaad u noqotay Argagixisada, meelo looga duulana ay noqotay dalalka deriska, ayna doonayaan inay taariikhdaas baabi’iyaan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay marna raali ka aheyn in si sharci daro ah inay dalka howlo shidaal baadhis ah uga sameeyaan shirkado shisheeye, isagoo adkeeyay baaq ka soo yeedhay Wasaarada Batroolka ee ahaa in aanay shirkad aan fasax u qabin ay howlo shidaal baadhis ka bilowdo Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aal ku aadaneyd arrinta muranka ku saabsan badda, isagoo cadeeyay in kenya ay calaameysatay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliyeed, ayna dooneyso inay goosato, waxaana uu xusay in taas ay dacwad ka gudbiyeen, isagoo qiray in haatan ay socoto howlo shirkado shisheeye ay sahmin ugu sameynayaan qeybta badda ee lagu muransan yahay.

Waa markii ugu horraysay ee uu madaxweyne Xasan sheikh si rasmi ah u cadaysto inuu yahay Musharrax u taagan doorashada madaxtinimo ee muddadu ka hadhsan tahay, waxana dad badani aaminsan yihiin inay fududahay inuu guusha qaataa, maadaama aanay wali soo bixin cid miisaan leh oo tartan la gashaa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed