Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Lagu Yasay Nairobi iyo Masuuliyiinta Kenya Oo Ka Muquurtay Soo Dhaweyntiisa
Nairobi:28-Dec-2013(SDN)-Madaxweynaha Dawladda Federlka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo khamiistii ka Degey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi, ayaan ka Helin wax Soo Dhaweyn ah Dawladda Kenya.
Madaxweynaha ayaanu haba yaraatee Hal masuul oo ka Tirsax Dawladda Kenya kaga Hortegin garoonka uu ka soo degay, waxana kaliya la arkayey iyadoo ay soo dhaweynayaan masuuliyiinta somalida u jooga Nairobi sida safiirrada.
Doowlada Kenya, ayaa si Badheedh ah uga muquuratay inay wax masuul ama saraakiil ah u dirto wafdigii Madaxweyne Xasan Shiikh, kuwaasoo doonayay inay ka qayb galaan shirkii Jimcaha Madaxda IGAD ka yeesheen Arimaha Koofurta Suudaan.
Wafdiga Madaxweyne Xasan Shiikh, waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya ee Maxamed Cali Nuur Ameeriko.
Dhaqanadan foosha xun ee Kenya ay kula dhaqmayso madaxweyne Xasan ayaa dhawr jeer soo noqnoqday, walise laga armayo wax tallaabo ah oo ay somalia qaadayso, waxana taas loo arkaa nooc cusub oo gumaysi ah oo uu madaxweyne Xasan ogolaaday.
S.D.N