Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Lagu Wado Inuu Maraykanka U Duulo iyo Ujeeddada Socdaalkiisa
Muqdisho:July,30,2014(SDN/QJ)-Ayaamaha Foodda inagu soo haya lagu wadaa inuu madaxweyne Xasan sheikh safar ugu kicitimo carriga Maraykanka.
Ujeeddada safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu Halkaas kaga qaybgelayo shirka Madaxda Afrika iyo madaxweynaha Maraykanka ku dhex mari doona isla wadaankaas dhawaanahan.
Shirkan oo sanad ka hor la iclaamiyay ayaa noqonaya kii u horeeyay oo wada jir ah isku arkaan Madaxda Afrika iyo Madaxweyne Obama, iyadoo loogaga hadlayo arrimaha dhaqaalaha, horumarinta, maalgashiga iyo argagixisada.
Madaxweynayaasha Zimbabwe Robert Mugabe iyo Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaan shirka lagu casuumin oo aan ka qeyb gelin doonin, iyadoo labada hogaamiye uu Mareykanka aad uga soo horjeedo xukunkooda.
Safiirka Soomaaliya dhowaan u magacawday dalka Mareykanka Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in shirkan uu noqonayo mid xoojiya xidhiidhka Soomaaliya iyo Mareykanka, isagoo xusay in Madaxweynaha uu imanayo 2-da bisha.
Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa marka uu tago Mareykanka la kulmi doona Jaaliyada Soomaalida, aqalka congress-ka iyo shirkado la sheegay inay saliida baadhaan oo uu kala hadli doono suurta galnimada in Soomaaliya laga sameeyo sahamin shidaal.
Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii 2013 aqoonsatay dowladda Soomaaliya, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay xoojisay xidhiidhkeeda joogtada ah, waxaana Madaxweyne Obama uu dhowaan ku dhawaaqay in Safiir rasmi ah uu u magacaabayo Soomaaliya.
Mareykanka ayaa doonaya in dalalka China, Japan iyo Turkiga kula tartamo Qaarada afrika, iyadoo dalalkan ay iskaashi weyn uu kala dhaxeeyo dalalka afrika.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com