|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Minisoota

Mnosoota Jan 19 2013 (SDN)— Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Minisoota wuxuu kula kulmay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi Mareykanka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka uu la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Minisoota waxaa uu ahaa mid ballaaran oo ay wada qaateen Jaaliyada iyo sidoo kale Madaxweynaha iyo wasiirada la socda.

Maxamed Axmed Cali oo kamid ah dadka Soomaalida ee ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Minisoota ayaa wuxuu uu sheegay in madaxweynaha jaaliyada Minisoota uu warbixin ka siiyay xaaladaha dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Madaxweynaha warbixinta uu usheegay jaaliyada ay kamid tahay arimaha ammaanka dalka Soomaaliya iyo guulaha ciidanka Dowladda Soomaaliya ay ka gaareen isaga oo sheegay in jaaliyada Soomaaliyeed ay ku farxeen warbixinada uu siiyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu usheegay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka in muhiim ay tahay in laga qeybqaato dib udhiska dalka Soomaaliya maadaama Dowladda iminka jirta aysan aheyn KMG dalkana ammaan uu noqday.

Sidoo kale kulanka uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Minisoota ayaa wuxuu ka sheegay in ammaanka Soomaaliya uu iminka yahay mid soo hagaagaya islamarkaana ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleen.

Dhanka jaaliyada masuuliyiinta ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin kulanka ay la qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirada la socda.

Waxa ay sheegeen inay taageersan yihiin Dowladda cusub ee dalka Soomaaliya hadii ay yihiin jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Minisoota.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa iminka socdaal ku jooga dalka Mareykanka isaga oo ay safarkiisa ku wehliyeen wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga iyo sidoo kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya iyo xubno kale.

Comments are closed