Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir
Khartoum Jan 02 2013 (SDN)— Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed oo qeyb ka ah wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan dalka Sudan ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu kulan la qaatay dhigiisa Sudan.
C/kariim Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu sheegay in labada hogaamiye ay kawada hadleen arrimo badan oo ay ugu weyntahay xiriirka labada dal iyo sidii loo hormarin lahaa.
Wasiirka Arrimaha gudaha oo la hadalay Idaacada dowladda ayaa sidoo kale sheegay in wadahadalka labada mas’uul diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sudan madaama ay labada dowladood saaxiibo yihiin.
Mr C/kariim ayaa hoosta ka xariiqay in ay sidoo kale kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta kale ee dowlada Sudan sida wasiirada iyo xubnaha kale waxana uu tilmaamay in ay jiraan kulamo kale oo Khartuum ay ku yeelan doonaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay gaaraya dalka Sudan waxana ay halkaasi kaga qeybgaleen xuska 57-guuradii ka soo wareegatay markii Sudan ay xuriyadeeda ka qaadatay Gumeystihii Ingiriiska.
SDN-Khartoum