Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Xiliga uu Ra’isal Wasaarihiisu Magacaabi doono Golihiisa Wasiirada
Muqdisho 10.Jan 2014 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ka hadlay dib-u-dhaca ku yimid soo magacaabista golaha wasiirrada cusub ee uu hoggaaminayo raysul wasaare Cabdiweli Shekh Axmed.
Wuxuu dib-u-dhaca ku macneeyay wadatashi iyo ka fiirsi badan oo uu raysul wasaaruhu u marayo magacaabista golihiisa wasiirrada, isagoo xusay in dhowaan la soo gudbin doono liiska wasiirrrada.
Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayuu madaxweynuhu ka codsaday in ay dulqaataan muddada kooban ee ka dhimman soo magacaabista wasiirrada.
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay raysul wasaare Cabdiweli oo uu tilmaamay in uu dadaal badan ku bixinayo soo magacaabista gole wasiirro oo tayo leh.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com