|

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Qiimaha Maalmaha 26-june, 1-July iyo Bisha Barakaysan ee Ramaanta

Muqdisho:June,23,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud, ayaa markii ugu horraysay Ka Hadlay Munaasibado qaali ah oo Foodda ku soo Haya Dadka somalida ah iyo sidii  ay ugu diyaar garoobi lahaayeen.

madaxweyne Xasan sheekhMadaxweynaha ayaa soo hadal qaaday oo Ka Hadlay Bisha Barakayysan ee Ramadaanta oo Foodda inagu soo Hayso iyo waliba Maalmaha 26-ka June iyo 1-da July oo qiime weyn ka leh dadka somalida ah dhexdooda.

 

“Dhawaan waxaa nagu soo socda laba arrimood oo muhuum ah. Mid waa bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaan leeyahay Umadda Muslimiinta ah gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed Ramadaan Kariim. Aynu ka faa’iideysano ajarka ay leedahay bisha Ramadaan, ha leysku naxariisto, midba midka uu ka roon-yahay ha afuriyo.” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliya.

Waxa kale oo uu madaxweyne xasan sheikh  dadka somaliyeed xasuusiyey qiimaha munaasibadaha 26-june iyo 1-da July oo foodda inagu soo Haya iyo sida loogu baahan yahay in diyaar loo ahaado, waxana uu yidhi,

 

“Sidoo kale waxaa nagu soo socda Todobaadka xorriyadda sida 26-ka Juun, 27-ka Juun iyo 1da Luulyo oo ah maalintii midnimada.”

 

Madaxweynaha, ayaa dadweynaha Somaliyeed ugu yeedhay in la weyneeyo maalmaha qiimaha u leh dhammaan Soomaalida, meel kasta oo ay dunidu ka kala joogtaba.

 

“Waxaan leeyahay aanu weyneyno maalmahaas taariikhiga ah, waa maalmo qiimo ku leh dhammaan Soomaalida.” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Hadalkan, ayaa wuxuu Madaxweynaha Somaliya ka sheegay Munaasabad Hidaha iyo Dhaqanka lagu soo bandhigaayay  oo xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed