|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Istanbul kulan kula qaadanaya Ordogan

Istanbul Dec 06, 2012 (SDN)—Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada labaad ee dalka Turkiga ee Istanbul halkaasi oo uu kula kulmi doono Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga.

Xubno ka tirsan wafdiga Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Rajab Dayib Urdugan ay kawada hadli doonaan qodobo xoojinayay waxyaabihii labada Madaxweyne ay shalay ka hadleen.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Turkiga ayaa xoojin doona heshiiskii ay saxiixdeen labada wasiir ee gaashaandhiga Soomaaliya iyo turkiga kaasi oo dhigay Iskaashi dhanka difaaca ah.

Sikastaba booqashada madaxweynaha iyo wafigiisa ay ku joogaan dalka Turkiga ayaa loo arkaa mid xoo jineysa xiirka labada dal iyo sidoo kale isku soo dhawaasho labada mamul ah.

SDN-Istanbul-Turki

Comments are closed