|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Isaga kala Dab qaaday Jawhar iyo Xuddur

Jawhar 18.June 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Xuddur ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo boqollaal dad ah.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiinta gobolka iyo saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, wuxuuna kala hadlay nabadgelyada gobolka iyo arrimaha bulshada, sida uu Bar-kulan u sheegay guddoomiyaha degmada Xuddur, Maxamed Macallin Axmed.

Dhinaca kale, madaxweynaha iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Afhayeenka maamulka gobolka Shabeellaha dhexe oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha uu la kulmay mas’uuliyiinta maamulka, odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada.

Shirarka uu madaxweynaha la qaatay mas’uuliyiintaas ayaa dhammaantood salka ku hayay arrimaha ammaanka, bulshada iyo horumarinta.

Afhayeenka waxa uu sheegay in si weyn loo adkeeyay amniga magaalada, iyadoo boqollaal dad ah ay ka qeybgaleen soo dhaweynta madaxweynaha.

Jawhar SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed