|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guclo ugu Jira Sidii Madaxweynaha Gobolada dhexe looga dhigi lahaa Rafiiqiisa Cabdikariim Xuseen Guuleed

Muqdisho, 22 April, 2015 (SDN/QJ)-Cabdikariin Xuseen Guuleed wasiirkii hore Amniga Soomaaliya aya maanta ku dhaawaaqay inu u taagan yahay xilka Madaxtinimo ee maamulka la doonayo inloo dhiso gobollada dhexe dalka Soomaaliya.

murashaxCabdikariin aya musharaxnimadiisa ku shaaciyey munaasibad ka dhacday magalada Cadaado oo ah halka uu ka socdo shirka maamul u samaynta gobollada dhexe,munaasibadasi oo ahayd mid laguso dhowaynayey musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Mudooyinkii danbe aya waxaa jirtay hadal ahayn ah in Cabdikariin uu u sharaxan yahay hogaanka maamulka gobollada dhexe,hase ahate maanta aya si rasmi ah ugu dhaawaaqay in uu u taagan yahay xilkaasi waxana uu dadka ku dhaqan gobollada dhexe dalka ka codsaday inay codkooda siiyaan,isagoona sheegay inuu ka shaqayn doono horumarinta maamulka sugida Amaanka iyo xasiloonida gobolka iyo waliba dib u heshiisinta dadka wada dega gobolladaasi.

Musharaxa ayaa sidoo kale ifiyey aragtida uu ka qabo dowladda dhexe ee federaalka, maamul Goboleedyada kale iyo waliba dalalka dariska ah, wuxuuna yiri.

Ugu dambeyntii Cabdikariim ayaa codsaday in uu xaq u leeyahay in kaalin laga siiyo hoggaaminta shirka maadaamaa uu ku dhawaaqay in uu musharax yahay, waxa uu sidoo kale farta ku fiiqey qaar ka mid ah saxiixayaasha oo uu sheegey in ay musharixiin yihiin, islamarkaasina ay shirka maamulayaan taasina aysan ahayn Xaq.

Munaasibada Musharaxa laguso dhowaynayey oo ahayd mid balaaran aya waxa goobta ku sugnaa Odayaasha dhaqanka Haween iyo dhalinyaro iyadoona derbiyada lagu sharaxay boorar uu ku sawiran yahay musharax Cabdikariin.

Cabdikariin Xuseen Guuleed aya dowladda dhexe ee hada dalka ka jirta kaso noqday wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka,alama oga waxaa uu kala kulmi doono tar-tanka hogaanka maamulka gobollada dhexe dalka oo musharaxiin badani u taagan yihiin,waxaana lagu tilmaamaa xubin ka ag dhow Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay duruufo badan ka soo wada dabaasheen.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed