|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhaw gaaray dalka Sudan

Muqdisho Jan 01 2012 (SDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Sudan gaar ahaan gobolka Blue Nile halkaasi oo uu uga qeybgalayo furitaanka  Biyo xireenka cusub ee Wabiga Niil.

Magaalada Damaaziin oo ah halka ay ka dagtay diyaarada siday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa waxa ku soo dhaweeyay dhigiisa dalkaasi Cumar Xasan Al Bashiir oo ku casuumay ka qeyb galka dabaaldaga sanadguuradii 57aad ee ka soo wareegatay markii Sudan ay xuriyadeeda qaadatay.

Labada Madaxweyne ayaa lafi layaa in ay kulan yeeshaan kaasi oo looga hadlayo xiriirka labada dowladood iyo sidii loo sii xoojin lahaa maadaama dowladda Sudan ay la midtahay saaxiibada Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa weydiisan doona dhigiisa uu martida u yahay ee Cumar Xasan Al Bashiir in ay taageeraan dowladiisa oo an Kumeelgaar aheyn taasi oo xoojin karta xiriirka Soomaaliya iyo Sudan.

Dalka Sudan ayaa u dabaal dagaya sanad guuradii 57-aad ee ka soo wareegatay markii uu xurayadiisa ka qaatay Gumeystihii weynaa ee Ingiriska.

SDN-Muqdisho

Comments are closed