|

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Faahfaahin ka Bixiyey Faa’iidada Somalia Ugu Jirta Shirkii Brussels Ee Uu Ka Qaybgalay

Bussels:05-April-2014(SDN)-Madaxweynaha Dawladda Federalka Somaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka war bixyey kalintii Soomaaliya kaga aadaneyd shir-madaxeedka Wadamada Afrika iyo Yurub ee Dhawaan Ka Dhacay Dalka Beljiumka.

brusseMadaxweynaha ayaa sheegay inay Halkaas La Tageen Ajandayaal Cadcad oo la Xidhiidha Horumarinta Guud Ahaanba Somalia.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa  intii ay  ku sugnaayeen Magaaladda Brussels waxa  ay la kulmeen inta badan Madaxdii shirka ka qeyb galeysay  dhamatood oo  ay ka wadahadlayeen danaha Soomaaliya iyo Horumarka dhankasta leh ee ay hadda Soomaaliya ku tilaabsaneyso.

 

Waxa kale oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Tilmaamay in Dawladihii uu  la Kulmay uu si weyn ugala Hadlay sidii Kor loogu Qaadi lahaa Dhammaanba Waaxyaha iyo Hay’adaha U Baahan Horumarinta iyo Kobcintaba, waxana uu xusay inay Wax badan isla meel dhigeen.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in ay fursadweyn u aheyd Dowladda Soomaaliya ka qeyb galka shirkaasi ka dhacay Brussels,  isagoo sheegay in waxyaabiihii ay ka wada hadleen Xubnihii ay kulamada la yeesheen dhamaantood guul ku soo dhamaadeen,

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu sidookale Saxaafada ugu warbixiyey  in balan qaadyadii barnaamijka hiigsiga cusub “New  Deal”  ay dabagaleen,  waxaana uu sheegay in rajo fiican laga qabo in Barnamajikaas waxbadan uu ka qabsoomidoono sida ugu dhaqsiyaha badana uu u hirgeli doono.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed