|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay kana hadlay Qaraxii ka dhacay

Muqdisho Dec 08, 2012 (SDN)—Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahan dambe safaro ku joogay dalka Turkiga ayaa maanta wuxuu soo gaaray Magaalada Muqdisho iyadoo madax ka tirsan Dowladda ay garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyeen.

Garoonka Muqdisho waxaa Madaxweynaha dalka Soomaaliya kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxaafada Muqdisho Garoonka kula hadlay ayaa wuxuu ugu horeyn ka hadlay qaraxii xalay ka dhacay dalka Kenya gaar ahaan xaafada Islii oo ay Soomaalida ku badan tahay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in madaxda dalka Kenya uu uga tacsiyadeynayo shacabkii halkaasi kaga dhinteen isaga oo kuwa dhaawaca ahna urajeeyay inuu Alle caafiyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sababta dalka Kenya qaraxyada looga geysanayo ay tahay taageerada ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in arintaasi ay tahay arin aad ufool xun.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo qaraxaasi ku dhaawacmay ayuu urajeeyay inuu Alle caafimaad siiyo isaga oo ugu baaqay shacabka Kenya iyo shacabka Soomaliyed inay iska kaashadaan sugidda ammaanka.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya safarkiisa dalka Turkiga isaga oo sheegay in Turkiga madaxdooda ay soo kala sixiixdeen heshiisyo caalami ah oo ku saabsan horumarada dalka Soomaaliya.

Sanadka cusub ayuu sheegay inuu furmi doono waji cusub oo wada shaqeyn ah oo dhexmari doonta Dowladda dalka Turkiga iyo sidoo kale dalka Soomaaliya.

Safarkiisa ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehliye wasiirada arimaha dibada,Gaashaandhiga,iyo Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya.

SDN-Muqdisho

Comments are closed