|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho Dec 25 2012 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday kadib safaro uu uu dalka dibadiisa ugu maqnaa.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu garoonka Muqdisho kasoo dagay waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo uu saxaafada kula hadlay Madaxweynaha ayaa wuxu faah-faahin ka bixiyay safarkiisa dalalka Uganda iyo Kenya.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha in dhamaan masuuliyiinta ay kulanka soo wada qaateen ay kasoo wada hadleen arimaha dalka Soomaaliya ayna isku afgarteen in la xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo dallalkaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ka hadlay kulamo uu lasoo qaatay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalalka Kenya iyo Uganda isaga oo sheegay in dhamaan ay guul kusoo dhamaadeen.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal qaatay dhowr maalin ugu maqnaa dalka dibadiisa isaga oo maanta ugu dambeyn soo noqday.

SDN-Muqdisho

Comments are closed