Madaxweyne Xasan Sheekh oo berito lagu wado in uu raiisul wasaare magacaabo iyo shakhsiga ugu hadalheynta badan
Muqdisho Oct 06,2012(SDN)-Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Md Xasan Sheekh oo ay maalmo uga harsan yihiin xiligii lagu waday in uu soo magacaabo raiisul wasaare cusub ayaa haatan xushay ruuxa uu xilkaa u magacaabayo.
Madaxweynaha ayaa waxa uu ruuxan cusub ka soo xushay tiro siyaasiyiin iyo aqoon yahan isugu jira oo buux dhaafiyay aqalka madaxtooyada mudadii ka danbeysay doorashadiisii.
Hadal heynta u badan ayaa waxa ay tahay in madaxweynaha Soomaaliya uu maanta xilka raiisul wasaaraha u magaacaabi doono aqoonyahan aan siyaasada hore logu arag.
Siciid Garaad ayaa berito la saadalinayaa in uu madaxweynuhu u magacaabi doono xilka Raiisul wasaaraha dalka.
Masuulkan ayaa waxa amnigiisa la wareegay ciidamada amniga ee dawlada xili uu ku jiray hotel Saxaafi.
Siciid Garaad ayaa ka mid ahaa mudo aqoonyanahada Soomaalida ee ka hawlgalada hay’adaha gargaarka.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com