Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Adis Ababa Gaadhay iyo Ujeedka Socdaalkiisa
Adisabab:20-Aug-2013-(SDN)-Madaxwaynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi Ballaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa galabnimadii shalay gaadhay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia halkaasi oo uga qayb galayo sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay geeridii Ra’iisul Wasaarihii dalka Ethiopia Atto Meles Zenawi.
Dowladda Ethiopia ayaa sanadkii tagay 21-Aug shaacisay in uu geeriyooday Ra’iisul Wasaare Meles oo mudo ka badan 21 sano ka ariminayay dalka Ethiopia, inkastoo wali ay xusid mudantahay in geeridii Meles kadib Ethiopia lagu Hogaamiyo dhabihii uu jeexay Meles.
Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu Casuumaad ka helay dalka Ethiopia, waxaana la filayaa Khudbad inuu ka jeedin doono Munaasabad xuska sanad guurada Koowaad.
Dhanka kale Magaalada Addis Ababa waxaa lagu wadaa saacadaha soo socda inuu ka furmi doono shirkii u dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ee Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe, iyadoo halkaasna ay gaadheen wafti ballaadhan oo Maamulka Jubaland ah kuwaas oo uu Hogaaminayo Sheekh Axmed Madoobe.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com