Madaxweyne Xasan Sheekh Muxuu ka Yidhi Qunsulka Kenya U Magacowday Kismayo?
Muqdisho:May,02,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dawladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horraysay ka hadlay Qunsulka la sheegayo inay Kenya u magacowday Maamulka Jubba, gaar ahaan Magaalada Kismayo.
Xasan Sheekh oo su’aal arrintan ku saabsan lagu weydiiyey munaasibaddii uu shalay kaga hadlayey xaaladda Guud ee Waddanka, ayaa ku adkaystay inaanay Dawladdiisu waxba kala soconin Magacaabista Qunsulkaas la sheegayo.
Waxa uu madaxweynuhu su’aashaas jawaabteeda kaga baxay inay Baadhayaan, isagoo carrabka ku dhuftay inay Haddii ay jirto ay tahay tallaabo qaran-jab ah.
“hadii ay jirto waa Arrin Xad gudub ku ah Qarannimadda Soomaaliya,laakiin ka hor dhici meyno oo waan baadhaynaa,Qunsulka la sheegayo”ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud.
30-kii Bishii April ayey aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Jubba uu Warqadii Aqoonsiga ka guddoomay Qunsulka Kenya ay u soo Dirsatay Magaalada Kismaayo.
Siyaasiinta iyo Bulshada Soomaaliyeed ayaa ka soo hor jeestay Tilaabada ay Kenya Qunsulka u gu soo Magacawday Magaalaka Kismaayo,ayagoo sheegay in Dalka ay ka jirto Dowlada Caalamku uu Aqoonsan yahay.
SDN/QJ