|

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo U Kicitimay Masar Iyo Ujeedada Safarkooda

Xasan-Sheekh-kk-300x160Muqdisho: June, 7, 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Masar, si ay uga qeyb galaan xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Masar.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Ra’iisul wasaare Cabdiweli iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana ay ka qeyb galayaan xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha Dalka Masar Cabdifataax Al-Siisi oo dhawaan ku guuleystay doorashadii dalka Masar ka dhacday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdiga la socda ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doono Madaxda ka qeyb galaysa Caleemo saarka Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Siisi.

SDN/QJ-Muqdisho

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed