|

Madaxweyne Xasan Sh.Maxamud oo Soo Gunaanaday Shirkii Xirfadlayaasha Caafimaadka

Muqdisho 09.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xiray shirwayne qaran oo saddex cisho ka socday Muqdisho, kaasoo looga hadlayay caafimaadka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka ka dhigan yahay tahay tallaabo horey loo qaaday, isagoo ballan qaaday in dowladdiisu ay ku dedaali doonto sidii hooyada, dhallaanka iyo dadka da’da ah ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad.

Xasan SH.MaxamudXasan Sheekh ayaa ammaan u jeediyay wasiirka wasaaradda horurumarinta adeegga bulshada Dr Maryam Qaasim, isagoo u mahadceliyay ka qeyb-galayaasha shirka.

Madaxii qabanqaabada shirka Dr Cabdirisaaq Dalmar ayaa sheegay in qodobbada shirka lagu soo qaaday uu ugu muhiimsanaa qodob ka hadlayay sidii bulshada ay u heli lahayd caafimaadka aasaasiga ah iyo sidii loo xakameyn lahaa daawooyinka dhacay ee la soo galiyo dalka.

 

s9Wuxuu tilmaamay in sanadka dambe xilligan oo kale ay qaban doonaan shir kale, kaasoo lagu ogaanayo wixii ka qabsoomay qodobbadii looga dooday shirka maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirka waxaa ka qeybgalay 270 qof oo xirfadleyaal caafimaad ah iyo 400 oo qof oo ah ergo ka kala timid gudaha dalka iyo dibadda.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed