Madaxweyne Xasan oo wiilkiisu Turki ku noqonayo
Istanbul December 14, 2023 (QJ) -Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda ku laaban doona dalka Turkiga si uu u wajaho dacwad la xiriirta shil ka dhacay waddo ku taalla magaalada Istanbuul, sida uu maanta sheegay Wasiirka Cadaaladda Turkiga.
Yunus Emre Gocer oo 38 jir ah oo wade Mooto ayaa waxaa jiiray gaari uu watay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya.
Yunus waxa uu ku geeriyooday cusbitaalka lix maalmood ka dib dhacdadaas oo dhacday 6-dii December.
Maamulka Turkiga ayaa amar ku bixiyay in la soo xiro wiilka uu dhalay Madaxweynaha, waxayna ka mamnuuceen inuu dalka ka dhoofo. balse Maxamed ayaa ka tagay Turkiga ka hor inta aan la soo saarin amarka lagu xirayay.
Talaadadii, Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wakaalada wararka ee AP u sheegay in wiil uu dhalay oo 40 jir ah ayuu madaxweynuhu sheegay in aanu ka baxsan Turkiga.
Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah dhaqtar ayuu madaxweynuhu sheegay in isku soo dhiibay maamulka, isagoo sheegay inuu dhowr maalmood ku sugnaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga falkaasi kadib. Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyska Yuunus.
Turkiga ayaa xiriir dhow la lahaa Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011 markaas oo uu dalka booqasho ku yimid Ra’iisul Wasaarihii xilligaas ee Recep Tayyip Erdogan, oo hadda ah Madaxweynaha, isagoo taageero u muujiyay xilli adag oo ay ka jirtay macluul daran. Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawiyay gargaar bini’aadantinimo, dhismayaal kaabayaal dhaqaale, iyo ciidamo tababaran oo isugu jira militari iyo boolis.