|

Madaxweyne Xasan oo shuruud ku xiray wadahal Soomaaliya la gasho Itoobiya

Muqdisho February 06, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in damaca Itoobiya ee ku aaddan badda Soomaaliya uu yahay xad-gudub aan la aqbali karin oo aan loo dulqaadan karin, balse wuxuu carrabka ku dhuftay inay diyaar u yihiin inay wadahadal la galaan haddii xukuumadda Addis Ababa ay ka baxdo heshiiskii ay la gashay Muuse Biixi.

“Haddii Itoobiya ay maanta qaladkeeda ka laabato, berri waan wada hadli karnaa, si kale ma wada hadli karno, haddii aysan qaladkeeda ka laaban wada hadal ma jiro.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa walaac ka muujiyay ku xadgudubka Itoobiya, isagoo caddeeyay in labada dal ay wadaagaan dano gaar ah, balse aysan wax walba ku heshiin.

Waxa uu xusay in Soomaaliya ay soo martay dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin in dhul iyo dad la waayay, wuxuuna caddeeyay in aysan diyaar u ahayn in la sii kala qeybsado.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in shacabka Itoobiya aysan cadow ahayn, balse mowqifka gardarada ah ee dowladooda uu yahay mid ka weecan mabaadi’da iskaashiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.

Comments are closed